Home Warar Mareykanka oo Sheegay in Duqeyn Lagu Dilay Mitidiin Al-Shabaab ahaa

Mareykanka oo Sheegay in Duqeyn Lagu Dilay Mitidiin Al-Shabaab ahaa

SHARE

Muqisho(Gundhig)-Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), ayaa war kasoo saaray weerar cirka iyo dhulka ahaa oo todobaadkaan gudihiisa lagu qaaday Saldhig Al-Shabaab ay ku lahaayeen Degmadda Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in Labadda weerar lagu beegsaday goob Maleeshiyaadka Shabaab u aheyd keyda Qaraxyadda, goob lagu qaadayay Canshuur iyo meelo kale.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Labadda Weerar lagu dilay 15-shaabab ahaa,islamarkaana uusan khasaare soo gaarin dadka shacabka ah.

Dhanka kale Shabaab waxa ay sheegen in weeraradaas lala eegtay guryo ay daganaayeen dad Shacab ah, waxeyna soo bandhigeen Sawirro ay ku sheegeen iney ahaayeen goobaha la beegsaday.