Home Warar Mareykanka oo Ku Hanjabay in uu Kordhin Doono Duqeymaha Al-shabaab

Mareykanka oo Ku Hanjabay in uu Kordhin Doono Duqeymaha Al-shabaab

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay sii kordhinayso duqeymaha lala beegsado Maleeshiyaadka Al-shaabab iyo Taageeridda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saraakiil sar sare oo ka Tirsan mareykanka oo Soomaaliya ku sugan ayaa la kulmay madax ka tirsan Dowladda,waxayna kala hadleen dagaalka Shabaab.

Dhanka kale Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah Maleeshiyaadka Al-shabaab la kordhinayo si xasilloonida loogu soo celiyo Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka ay garab istaageyso dowladda Soomaaliya, Shacabkeeda iyo saaxiibada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-shabaab, oo Qatar ku ah Gobolka Geeska Afrika.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa lagala wareegay deegaano ka Tirsan Koonfurta dalka Soomaaliya,waxayna khasaare kala kulmeen duqeymaha Mareykanka.