Home Warar Mareykanka oo Beeniyay in Shabaab Dileen Askari Mareykan ahaa

Mareykanka oo Beeniyay in Shabaab Dileen Askari Mareykan ahaa

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Mareykanka ayaa beenisay in Askari loogu dilay dagaal xalay ka dhacay Deegaanka Daarusalaam ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), ayaa lagu sheegay in warka kasoo baxay shabaab uu yahay waxba kama jiraan.

AFRICOM ayaa shaacisay howlgalka lagu taageerayey ciidamada dowladda oo waday qorshe ay ku wiiqayaan awoodda ay Alshabaab ku qaadi karto weerarro, islamarkaana dhammaan ciidamadii howlgalka ka qeyb qaatay oo kuwa dhulka ku jireen ay bedqab ku soo laabteen.