Home Warar Mareykanka oo Beegsaday Saldhig Al-shabaab Gobolka Shabeelaha Hoose

Mareykanka oo Beegsaday Saldhig Al-shabaab Gobolka Shabeelaha Hoose

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn laga fuliyay deegaanka Kuunya Barow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay sarkaal ka tirsnaaa Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in howlgalka ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamadda Kumaandooska Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka.

Qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay Sarkal ka tirsanaa Al-shabaab,islamarkaana uusan khasaare soo gaarin dadka shacabka ah.

“Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka Somaliya waxa ay weerar ku qaadeen xagjirinta Al Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Kuunya Barow, waxaan ku dilnay Hal Argagixiso.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska (AFRICOM).