Home Warar Mahad Salaad:-“XFS Xaq Uma Lahan Inay Farageliso Jubba-land”,!

Mahad Salaad:-“XFS Xaq Uma Lahan Inay Farageliso Jubba-land”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ka hadlay qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ee ku wajahan doorashadda Maamulka Jubbaland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Xukuumadda aysan sharci aheyn faragalinta ay ku hayso jubbaland,wuxuuna ugu baaqay in ay u hogaansanto Dastuurka Dalka.

“Dhisamaha hay’adaha sharci dejinta iyo fulinta ee dowlad goboleedyada waa mas’uuliyad u gaar ah dowlad goboleedyada, waxaana nidaaminaya dastuurka dowlad goboleedka sida ku cad Qodobka 120aad ee dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya sharci ahaan xaq uma lahan in ay farageliso doorashada dowlad goboleedka Jubbaland, Warsaxaafadeedka maalin laha ah ee ay soo saaraysana sharci wax lagu maamulo noqon maayo. Sidaas daraadeed, waa in ay ilaaliso una hoggaansanto faritaanada dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo kan dowlad goboleedka Jubaland”