Home Warar Magacyadda Mas’uuliyiinta Ku Waxyeeloobay Qaraxyadii Muqdisho!

Magacyadda Mas’uuliyiinta Ku Waxyeeloobay Qaraxyadii Muqdisho!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Inta la xaqiijiyay 20-ruux ayaa ku dhimatay qaraxyadii galabta ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaiya.

Dadka qaraxyadda ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jirey dad shacab ahaa oo saarnaa gaari laamiga marayay, iyo mas’uuliyiin xilal kasoo qabtay dowladda.

Cabdirisaq Bahlaawi oo ahaa  Agaasimihi hore ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya oo xilligii uu qaraxa ka dhacayay ku sugnaa meel aan Hotelka ka fogeen ayaa ka mid ah dadka dhaawacyadooda la gaarsiiyay Isbitaallada Muqdisho.

Cabdifitaax Cabdirashiid Shire Il-qeyte oo Aabihii Sanadkii hore Bishaan oo kale lagu dilay Hoteelka Saxafi ka dib markii weerar lagu qaaday ayaa ka mid ah dadkii Maanta ku dhintay Qaraxyadii  ka dhacay Muqdisho.

Dhanka kale waxaa wali socda gurmadka loo fidinayo dadkii waxyeeladda ay kasoo gaartay qaraxyadda.

Laamaha amniga Dowladda Soomaaiya oo arintaan ka hadlay waxa ay sheegeen in ay soo afjeyn weerarka,islamarkaana ay toogteen ragii weerarka soo qaaday Oo afar ruux ka koobnaa.

Bishii November sanadkii 2015-kii xili subax  ayay aheyd markii weerar is qarxin ah iyo mid toos ah lagu qaaday Hotelka Saxafi ee magaaladda Muqdisho.

Xubnihii lagu dilay weerarkaas waxaa kamid ahaa Abaanduulihii hore ee Ciidanka xoogga dalka Jen. Dhegabadan, Ganacsade C/rashiid Ilqeyte oo ahaa Milkiilaha Hotelka Saxafi iyo Xildhibaan Abtidoon.

Weerarkaan galabta lagu qaaday Hoteelka Saxafi waxaa sheegtay maleeshiyaadka Al-shaabab,waxayna sheegeen in ay toogasha ka geysteen gudaha Hoteelka.