Home Warar Madaxweyne Saciid Deni oo Ku Baaqay Shir Ka Dhan ah Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Saciid Deni oo Ku Baaqay Shir Ka Dhan ah Dowladda Soomaaliya.

SHARE

Muqdsiho(Gundhig)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku baaqay in Shir Weyne wada-tashiya ay isu’gu yimaadan dhammaan dadka Reer Puntland, si mowqif midaysan looga qaato dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni, ayaa iclaamiyay in shirkaasi caasimadda Garoowe lagu qaban doono 15-ka bisha Maarso ee sannadkan 2020, waxaana uu shirka ku marti-qaaday Xildhibaannada labada gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee dadka Reer Puntland.

Sidoo kale, Puntland waxay madaxda sare ee dowladda Federaalka ku eedaysay, in ay diideen in laga heshiiyo Sharciyada qeybta ka ah hirgelinta hannaanka Federaalka dalka sida dhammaystirka Dastuurka, qeybsiga awoodaha&kheyraadka, arrimaha doorashooyinka, hannaanka Cadaaladda iyo hab qeybsiga deeqaha.