Home Warar Madaxweyne Farmaajo oo Ku Wajahan Magaaladda Addis Ababa

Madaxweyne Farmaajo oo Ku Wajahan Magaaladda Addis Ababa

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) ayaa 21-ka bishaan ku wajahan Magaaladda Addis Ababa ee dalka Ethopia.

Farmaajo ayaa Addis Ababa kaga qeyb galaya shir aan caadi ahayn oo madaxda waddamada Urur Goboleedka IGAD ay isugu imaanayaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in ay soo gaartay Casuumadd ugu timid Ururka islamarkaana maalinta khamiista uu u duuli doono Magaaladda Addis Ababa.

Shirkan IGAD oo ka baxsan shirarkoodii caadiga ahaa ayaa waxaa madaxda ururku ay uga hadli doonaan xaaladda amni ee Koofurta Suudaan oo ay ka soo korortay xaalad amni xumo, kadib markii ay markale is faham la’aan soo dhex gashay dowladda South Sudan iyo kooxaha mucaaradka ku ah.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Farmaajo uu kamid yahay madaxda dadaalka ku bixinaysa In la xaliyo Mushkiladda Koonfurta Suudaan.