Home Warar Madaxweyne Farmaajo oo Ku Wajahan Gaalkacyo

Madaxweyne Farmaajo oo Ku Wajahan Gaalkacyo

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi  Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa in ay gaaraan Waqooyiga magaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Qaban-qaabadda lagu soo dhaweynayo wafiga madaxweynaha ayaa si weyn loogu dareemayaa Dhanka Magaaladda Gaalkacyo ee Puntland.

Amaanka magaaladda Gaalkacyo ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana Magaaladda Lagu arkayaa Ciidamadda kala duwan ee maamulka Puntland.

Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa hadda ku sugan Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari,waxaana xalay loo sameeyay xafladd Sagootin aheyd.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Magaalada Gaalkacyo waxaa kaga bilaaban doonta booqasho  uu ku maraayo degmooyin ka tirsan maamulka Galmudug.