Home Warar Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda oo Gaaray Kismaayo+Sawirro

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda oo Gaaray Kismaayo+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka jubba-land waxaa maanta gaaray qaar kamid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyadda dalka jira.

Madaxweynayaasha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare, Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), iyo Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas),ayaa gaaray Kismaayo,waxaana garoonka diyaaaradaha magaaladaas kusoo dhaweeyay madaxweynaha jubba-land Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),iyo Mas’uuliyiinta maamulkaas.

Dhanka kale Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa isna lagu wadaa in uu galabta gaaro magaaladda kismaayo,wuxuuna haatan ku sugan yahay baydhabo uu aas ugu qeyb-galayo.

Magaaladda Kismaayo  ee Maamulka Jubba-land waxaa maalinta bari oo taariikhda ay ku beegan tahay 3- September ka furmaya shirkii seddexaad ee Golaha iskaashiga Dowladd Goboleedyadda.

Shirkaan ayaa loogu hadli doonaa danaha Golaha iskaashiga maamul goboleedyadda dalka ka jira iyo midka qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale shirkaan intuu socda ayaa la filayaa sida aan wararka ku helnay inay doortaan Golaha Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada oo uu hadda guddoomiye ka yahay Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland.