Home Warar Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo loo Xirey Wadooyinka Muqdisho!

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo loo Xirey Wadooyinka Muqdisho!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Ciidamadda Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xirey inta badan wadooyinka Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wadooyinka xiran waxaa kamid ah wadada Maka al-mukaramah,Wadada Soddonka, iyo kuwa kale oo shacabka isticmaalayeen,waxaana wadooyinkaas ku sugan ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Waxaa loo diidayaa gaadiidka inay ka gudbaan Isgoysyada Magaalada oo markii horeba xirnaa, dadkana ay ku mari jireen qaab damiin ah.

Sababaha wadooyinka loo xirey aya lagu sheegay in Madaxweynayaasha Puntland iyo jubbaland oo kusoo wajahan Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.