Home Warar Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo oo Ku Sii Jeeda Brussels

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo oo Ku Sii Jeeda Brussels

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wefdi oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabixi doona magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda magaalada Brussels ee daka Belgium-ka.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka kaga qeyb galaya shir loogu hadlaayo arrimaha Soomaaliya kaasi oo furmaya 16-ka bishaan.

Shirkaan waxaa ka qeyb galaya Madaxda Dowladda Somaliya,Madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ka jira, Ururadda AU, IGAD,EU,UN iyo dalalka daneeya arrimaha dalka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa loogu hadli doonaa arrimo ay kamid yihiin ammaanka, dhaqaalaha Soomaaaliya, dagaallada ka dhanka ah Maleeshiyaadka Al-shabaab, howlgalka Amisom iyo arrimo kale oo muhiim ah.