Home Warar Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

SHARE

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Safiirka dalka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yukio Yamamoto, ayaa maanta kulan ku wada qaatey Hargeysa.

Yamamoto ayaa horey ula soo kulmay, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo qaar ka mid ah madaxda maamul-gobolleedyada.

War kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal ee Mareykanka iyo Somaliland.