Home Warar Madaxweynaha Maamulka Somali-land oo La Kulmay Wasiiro Ka Tirsan XFS

Madaxweynaha Maamulka Somali-land oo La Kulmay Wasiiro Ka Tirsan XFS

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku kulmay Dalka Sacuudiga Arabia.

Muuse Biixi waxaa kulan ku wehliyay Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin,halka dhanka Dowladda ay ka socdeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan, Wasiiro dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/llaahi Xaamud.

C/llaahi Xaamud, wasiiru dowlaha Xafiiska Raisul Wasaaraha oo kulanka kadib qoraal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa sheegay in sharaf weyn ay u aheyd in ay la kulmaan madaxweynaha Maamulka Somaliland.

“Sharaf ayeey ii ahayd in aan xalay la qaxweeyno Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Madaxweyne Biixi waa nin waayo arag ah, yaqaanana qiimaha aynu isu leenahay, aadna u qaddariya rayiga walaaltinimo.

Fadliga maalmahan barakaysan, iyo dhulkaan barakaysan awgiis Allow kulankeena ka yeel mid barakeysan”ayuu yiri C/llaahi Xaamud.