Home Warar Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Xubno Kamid Noqonaya Garsoorka

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Xubno Kamid Noqonaya Garsoorka

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 55 August 29, 2020, ku magacaabay xubno ka tirsan Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Puntland.

Madaxweynaha  Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad, faqraddiisa 19-aad.

Markuu arkay: Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Goddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa G/le Cabdiraxmaan Ciise Xuseen loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool.
  2. Waxaa Dhemme Siciid Xirsi Ibraahim loo magacaabay Xeer–ilaaliyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool.
  3. Waxaa G/dhexe Cabdirisiiq Jaamac Cabdulle loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool.
  4. Waxaa G/le Axmed Jaamac Maxamed loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool.
  5. Waxaa G/le Siciid Aadan Siciid loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda darajada 1-aad ee

Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Nugaal iyo Sool

  1. Waxaa G/sare Cabdullaahi Cabdi Shire loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda

darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn.

  1. Waxaa Dhemme Cawil Warsame Maxamed loo magacaabay Xeer–ilaaliyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn.
  2. Waxaa Dhemme Cabdiweli Maxamuud Maxamed loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn.
  3. Waxaa G/le Cabdi Faarax Cali loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda darajada 1-aad ee

Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Mudug iyo Cayn

  1. Waxaa G/le Ibraahim Bile Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda

darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu.

  1. Waxaa Dhemme Maxamed Xuseen Axmed loo magacaabay Xeer–ilaaliyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu
  2. Waxaa Dhemme Cali Ibraahim Cismaan loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu.
  3. Waxaa G/dhexe Maxamed Cabdi Nuur loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu.
  4. Waxaa G/le Sahal Cabdi Cartan loo magacaabay Garsooraha Maxkamadda darajada 1-aad ee

Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Gobolada Bari, Sanaag, Haylaan, Karkaar iyo Gardafuu.

* Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.

=DHAMMAAD=