Home Warar Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare+Sawirro

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare+Sawirro

SHARE

Gundhig-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweyne ku xigeenka labaad gudoonka Baarlamaanka iyo qaar kamid ah Bulshada magaalada ayaa qayb ka ahayd soo dhawaynta wafdigan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinka wafdigan ee qayb kamid ah dalkooda iyagoo waliba si gaar ah u matalaya Dowladaha xubnaha ka ah JFS.