Home Warar Madaxweynaha Ertirea Afwerki oo Gaaray Magaaladda Adis Ababa+Sawirro

Madaxweynaha Ertirea Afwerki oo Gaaray Magaaladda Adis Ababa+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha dalka Ertirea Isaias Afwerki ayaa Saaka booqasho ku tagay magaalada Adis Ababa ee dalka Ethopia,waana booqashadiisa ugu horeysay uu dalkaas ku tago muddo 20-sano kadib.

Booqshadaan ayaa jawaab u ah tii uu todobaadkii hore Eritrea ku tegey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Socdaalkiisa ayaa la filayaa inuu qayb ka qaato isku soo dhoweynta xiriirka labada dal oo labaatankii sano ee la soo dhaafay aad u liitay.

Xiriirka labada dal ayaa ahaa mid aad u xun mudo kabadan labaatan sano, waxaana uu isbedel uu ku yimid, markii Itoobiya shaacisay in ay aqbalayso heshiiskii Algeirs ee soohdinta laba dal ay isku hayaan, taa oo keentay  in Ertirea uu booqasho taariikhi ah uu ku tago Abiy.

Waxaa la sheegay in booqashadaan Afwerki ay tahay rasmi ah oo uu Ethopia ku sugnaan doono mudo saddex maalmood ah, kadib marti qaad uu ka helay dhiggiisa Ethopia Abiy Axmed.

Xiriirka labada dal ayaa ahaa mid aad u xun mudo kabadan labaatan sano, waxaana uu isbedel uu ku yimid, markii Itoobiya shaacisay in ay aqbalayso heshiiskii Algeirs ee soohdinta laba dal ay isku hayaan, taa oo keentay  in Ertirea uu booqasho taariikhi ah uu ku tago Abiy Axmed, halkaas oo ay labada dal ku sheegeen in xaaladihii colaadda ee labadan dal lasoo afjaray.