Home Warar Madaxweyihii Hore ee Masar Maxamed Mursi oo Geeriyooday

Madaxweyihii Hore ee Masar Maxamed Mursi oo Geeriyooday

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Morsi ayaa ku geeriyooday gudaha maxkamad dhagaysanaysay dacwadiisa.

Maxamed Morsi ayaa 67 sano jir ahaa markii uu geeriyooday sida ay sheegtay warbaahinta qaranka dalkaas.

Sannadkii 2012kii ayaa loo doortay madaxweynaha Masar, ka dib markii xukunka laga tuuray Maxamed Xusni Mubaarak.

Waxaa xilka laga tuuray sannadkii 2013kii oo militariga ay markale maamulka la wareegeen.

wuxuu u tartamay xildhibaan inuu noqdo sanadkii 2000 ilaa 2005tii.

Xisbiga Ikhwaan muslimiin ee xornimada iyo cadaalada ayaa u doortay inuu u noqdo hogaamiye kacdoonkii bishii Janaayo 2011 kadib.