Home Warar Madaxda Puntland Iyo Jubbaland oo Muqdisho Kusoo Wajahan

Madaxda Puntland Iyo Jubbaland oo Muqdisho Kusoo Wajahan

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar Soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Maamuladda puntland iyo Jubbaland ay kusoo wajahan yihiin Magaaladda Muqdisho ee Caasimdda Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo haatan ku sugan Magaaladda Garoowe ayaa la filayaa in war-murtiyeed kasoo saaraan shirkooda magaaladaas ugu socday.

Maamuladda Puntland iyo jubbaland ayaa ka hor yimid qodobadii kasoo baxay shirkii Magaaladda Dhuusa-mareeb 3,waxayna sheegeen war murtiyeedkii laga soo saarayna uu ahaa aragti ku koobnaa Madaxweynah Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Madaxweyne-yaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ilo lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in lagu balamay shir kale oo ka dhacay magaaladda muqdisho kaasi oo u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda.

Beesha Caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dadaalo ku saabsan sidii mar kale ay isugu imaan lahaayeen shir ay u dhan yihiin DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, isla markaana aragti mideysan uga gaari lahaayeen marxalada kala guurka iyo doorashooyinka.