Home Warar Madax Goboleedyada oo Shir Ka Dhan ah Dowladda Ku Yeelanaya Nairobi!

Madax Goboleedyada oo Shir Ka Dhan ah Dowladda Ku Yeelanaya Nairobi!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Magaaladda Nairobi ee caasimadda Kenya waxaa ku wajahan qaar kamid ah Madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ka jira.

Madaxdaan ayaa halkaas ku yeelan doona shir loogu soo horjeedo Dowladda Dhexe ee  Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa ku sugan Magaaladda Nairobi, waxaana kusii jeeda madaxweynaha Puntland oo ka tegaya Imaaraadka iyo Madaxweynaha Galmudug oo maanta la filayo in uu halkaas gaaro.

Ujeedka shirka Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa lagu sheegay sidii ay ula kulmi lahaayeen Wakiilada Beesha caalamka, iyagoo gaarsiinaya go’aankooda ah inay hakiyeen la shaqeynta dowladda Federaalka iyo soo dhoweynta Qaraarkii golaha Amniga ee arrimaha Soomaaliya, waxaana codsigooda ka mida sidii Qorshe kala guur (Road Map) loogu sameyn lahaa Soomaaliya 2020.