Home Warar Macalimu:-“Farmaajo Dalka Isagaa Madaxweyne u ah, Inta Doorashadda Ka Dhacayso”,!

Macalimu:-“Farmaajo Dalka Isagaa Madaxweyne u ah, Inta Doorashadda Ka Dhacayso”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay wararka la xiriira in Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu xoog ku joogo Madaxtooyadda Soomaaliya.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaliya Maxamed Ibraahim macalimuu oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa ku tilmaamay mid sharci daro ah hadalada ka soo yeeray xubnaha mucaaradka,eek u aadan in Madaxweyne Farmaajo xoog ku haysto xukunka.

Afhayeen xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Maclimu aya dhanka kale sheegay in dowladda ay diyaar u tahay wadahadalo lagu xalinayo ismari-waaga siyaasadeed ee taagan.

“Marka hore soo jeedinta xubnaha mucaaradka ma aha mid sharci ku qotonta, sababtoo ah waxaa la ogyahay in qaraar baarlamaan uu jiro oo horey baarlamaanka hadda jooga ee 10aad ay u ansixiyeen labadiisa taasi oo ah in baarlamaanka hadda jooga waxa badalaya oo kali ah baarlamaan la soo doortay hay’adaha kale ee dastuuriga ee madaxda ay ka mid tahay waa la mid ,, ayuu yiri afhayeenka xukuumadda.

“Inta madaxwayne laga dooranayo ama inta baarlamaan cusub laga dooranayo, waxaa shaqeynaya baarlamaanka hadda jira,” ayuu intaa ku daray Mr Maclimu.

“Wixii kale ee wadahadal ah dowladda diyaar ayay u tahay inay wadahadal la gasho cid walba, tanaasulaad badan oo is xig-xiga ayay madaxdu sameysay, soomaalida waxay dhahdaa xujo ma falantee xaajo falanta, marka meeshaas xaajo ma oolin laakiin had iyo jeer dowladdu diyaar ayay u tahay,” ayuu yiri mr Maclimu.

“Waxaan rajeynaynaa in wax waliba dhammaan doonaan, laakiin cabsida iyo qalqalka shacabka lagu abuurayo ma aha mid meesha yaalla,,” ayuu yiri.