Home Warar Macalin Maxamuud;-“Caasimadii Galmudug Al-shabaab Ayay Gacanta u Gashay”,!

Macalin Maxamuud;-“Caasimadii Galmudug Al-shabaab Ayay Gacanta u Gashay”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Hogaamiyaha guud ee Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay in amaanka Magaaladda Dhuusa-mareeb uu faraha ka baxay, kadib qaraxyo ka dhacay.

Isagoo ka hadlayay Munaasabad ka dhacday Magaaladda Dhuusamareeb waxa uu ka hadlay Xaaladda Amni ee Xarunta Dowladd Goboleedka Galmudug.

Waxa uu sheegay in Dhuusa-mareeb ay ka dhaceyn qaraxyo waxyeelo loogu geystay dad shacab ah,iyadoo magaaladda gacanta ku hayaan ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aan la aqbali karin falalka Amni darro ee kasoo cusboonaaday Dhuusamareeb, ayna dib u qaadanayaan wax ka qabashada dhibaatooyinka cusub.

Hogaamiyaha guud ee Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax waxa uu sheegay in haatan ay u muuqato in Al-shaabab ay la wareegeen Magaalada Dhuusa-mareeb.

“Laga bilaabo XIligaan waxa aan raadsaneynaa waxa aan hub leenahay, waan soo qaadanayenaa oo waan wadaneynaa, Ruux Muslim ah kuma dhibeyno, Dowlad kuma dhibeyno, dad fog kuma dhibeyno, mana u dulqaadan karto waxa socda” ayuu yiri Macalin Maxamuud.