Home Warar Maareeyaha Dekadda Magaalada Muqdisho oo Qarax Ka Badbaaday

Maareeyaha Dekadda Magaalada Muqdisho oo Qarax Ka Badbaaday

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Miino oo Saakay ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Isgoyska Miranaayo ee degmada Cabdicasiis, ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari uu la socday Maareeyaha Dekadda magaalada Muqdisho Axmed Washigton oo halkaasi marayay xiliga qaraxa lala eeganayay.

Laamaha amaanka ayaa sheegay in qaraxa uu ka badbaaday Maareeyaha,balse ay waxyeelo soo gaartay qaar kamid ah ilaaladiisa.

Qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha wadooyinka Muqdisho ayaa mudooyinkan soo badanaya, waxaana qaraxyadan la sheegay kaliya in lala eegto gaadiidka ay la socdaan masuuliyiinta iyo kuwa ciidamada iyadoona aysan jirin bartilmaameed rasmi ah.