Home Warar Maamulka Puntland oo Go’aan Kasoo Saaray Shirkadaha iyo Hay’adaha

Maamulka Puntland oo Go’aan Kasoo Saaray Shirkadaha iyo Hay’adaha

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland, ayaa ku amartay dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala deegaanada Puntland, in ay mudda bil gudaheeda ku soo gudbiyaan xogta shaqaalahooda oo faahfaahsan.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Axmed Maxamuud Cabdalle (Tigaana), ayaa lagu amray Hay’adaha Puntland ka howlgala.

Sidoo kale amarka wasaaradda ayaa lagu ogeysiiyay shirkadaha iyo hay’adaha kala duwan in aysan shaqaalayn karin qof aan hab sharciga waafaqsan soo marin, islamarkaana aysan keensan karin shaqaale ajnebi ah oo aan ogolaansho looga haysan wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.