Home Warar Maamulka KGS oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxyadda Baydhabo

Maamulka KGS oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxyadda Baydhabo

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxyadii galabta ka dhacay Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in qaraxyada ay ka dhaceyn Maqaayaddo ay ku sugnaayeen dad shacab ahaa.

Waxa uu sheegay in qaraxyadda ay fuliyeen labo ruux oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa,islamarkaana ay beegsadeen goob ay isugu yimaadeen dadka.

Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirka Warfaafinta in ka badan 10-Qof ay ku dhinteen Qaraxyada halka 20-qof oo kale ay ku dhaawacantay.

Dhanka kale Al-shabaab waxay sheegtay in dad ka badan 20 qof oo ay kamid yihiin saraakiil caan ah ay ku dhinteen qaraxyadii Magaaladda Baydhabo ka dhacay.