Home Warar M/Xaaf oo sheegay in M/Farmaajo diiday hub lagula dagaalami lahaa Alshabaab

M/Xaaf oo sheegay in M/Farmaajo diiday hub lagula dagaalami lahaa Alshabaab

SHARE

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa Xalay waxaa Xaflad  loogu qabtay Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka kenya.

Xaflada oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Galmudug ee kenya ayaa aheyd mid lagu taageerayo Madaxweyne Xaaf waxana uu madaxweynaha ka jeediyay khudbad dheer oo taabaneysa meelo kala duwan.

Madaxweyne Xaaf ayaa khudbadiisa waxa uu ku soo qaatay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kaasi oo ahaa in Xaaf uu diiday in Galmudug la daweeyo madama ay xanuunsan tahay.

Xaaf ayaa sheegay in Galmudug kasoo horjeesan xal la gaaro laakiin Dowlada ay  tahay  cida ka soo horjeeda in heshiis laga gaaro khilaafka taagan.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in Farmaajo uu diiday hubka lagula dagalami lahaa kooxda shabaab isagoo ka baqaya in lagu weeraro Degmada Cabud-waaq waa sida uu hadalka u dhigay.