Home Warar M/Farmaajo”Xaaf waa nin xanuunsan oo u baahan daawo”+Sawirro

M/Farmaajo”Xaaf waa nin xanuunsan oo u baahan daawo”+Sawirro

SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho oo lagu maamuusayo dhallinyaradii 13-ka ahaa ee aasaasay ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Madaxweynaha ayaa intaas kaddib waxa uu kala qayb galay boqollaal dhallinyaro munaasabad lagu qabtay Taliska Gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ka soo horjeeysteen in la sameeyo madal u dhaxeeysa dowlada dhexe iyo maamul goboleeeyada.

Madaxweyne Farmaajo oo soo hadal qaaday arinta Maamulka Gal-mudug ayaa sheegay watashi badan kadib uu madaxweyne Xaaf uu ka hor yimid arimo badan oo lagu heshiiyay.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu si kaftan ah uga hadlay sababta uu Madaxweyne Xaaf ugu baxay Shirkii Garoowe, waxaa uuna Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay Madaxweyne Xaaf inuu yahay qof Xanuunsan oo daawo u baahan.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso: