Home Warar Lafta Gareen:-“Lama Aqbali Karo in Askari Shan Kun u Dilo Qof shacab...

Lafta Gareen:-“Lama Aqbali Karo in Askari Shan Kun u Dilo Qof shacab ah”,

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), oo muddo kadib dib ugu laabtay Magaaladda Baydhabo ayaa digniin u diray Ciidamadda amaanka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in aanan loo dulqaadan karin tacadiyada Ciidamadda ay gaysanayaan,wuxuuna amar siiyay Saraakiisha Ciidamadda.

“Ninkii Askariga ahaa ee la rabay xuquuqda shacabka inuu illaaliyo inuu dilo wax aan aqbaleyno ma’ahan ninkii nin dila waa la tooganayaa ma ogolaaneyno in askari dambe uu qof shacab ah dilo, waxa askariga laga doonaayo inuu u taagnaado ilaalinta shacabka,waxaan aad uga xanaaqay oo uga xumaaday nin Askari ah ayaa wuxuu dilay nin darawal ah wuxuuna u dilay lacag dhan Shan kun Shilin Somali ah, dadkaasi iyaga ah inay Bulshada ku sii dhex jiraan ma aqbaleyno, gacan adag ayaana ku qabaneynaa.” ayuu yiri Madaxweyne Lafta gareen.

Hadalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa imaanaya xili magaaladda Baydhabo ay ka dhaceyn dilal loo geystay dad shacab ahaa.