Home Warar Lafta Gareen:-“Kuraasta Qaarkood Dadka ku Fadhiya Waa Looga Xaq Leeyahay”,!

Lafta Gareen:-“Kuraasta Qaarkood Dadka ku Fadhiya Waa Looga Xaq Leeyahay”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Lafta-gareen oo xalay kulan la qaatay Gudoomiyaha Golaha shacabka iyo xildhibaanaddda labadda aqal ee laga soo doorto deeganadda maamulka koonfur Galbed Soomaaliya ayaa sheegay in kuraasta ay ku fadhiyaan xildhibaanada qaar loogu xaq leeyahay.

Waxa uu sheegay in ay jiraan dad lagu xushmeeyo kuraasta laga soo doorto Koonfur Galbeed Soomaaliya,madaama ay dadkooda ku dhinteen.

“Kuraastaan qaarkood dadka ku fadhiya waa looga xaq leeyahay, dad baa u dhintay, waa in la qadariyo laguna xushmeeyo ehelkooda, xitaa waxa aan heynaa in kuraasta qaarkood in xaq weyn ku leeyihiin dad nool, nin waliba waa in lagu ixtiraamo waxa uu ahaa” ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen.

 

Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Lafta-gareen ayaa ugu Mahadceliyay Gudoomiyaha Golaha shacabka kaalintii uu ku lahaa ansixinta Heshiiskii Doorashadda Dalka.