Home Warar La Taliyihii Warfaafinta ee Ra’isul Wasaare Khayre oo Icasilay

La Taliyihii Warfaafinta ee Ra’isul Wasaare Khayre oo Icasilay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-C/qaadir Cashir Nadaara oo ahaa lataliyihii dhinaca warfaafinta ee Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa iscasilay.

Wararka ayaa sheegaya in la taliyaha oo haatan ku sugan Magaaladda London ee dalka ingriiska uu shaqsi ahaantiisa uu go’aansaday in uu iscasilo,islamarkaana warqada shaqo ka tagistiisa uu u gudbiyay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in C/qaadir Nadaara  uu doonayo in uu isku soo sharxo kursiga xildhibaan ee Baarlamaanka  Soomaaliya uu baneeyay Agaasimaha hay’dda Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Xuseen Cismaan Xuseen.

Doorashada kursigaan ayaa lafilayaa inay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xaruna KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

C/qaadir Cashar Nadaara ayaa xilka lataliyaha war-faafinta ee Ra’isul Wasaaraha loo magacaabay 5-tii bishii sideedaad ee 2017-kii.