Home Warar Kulankii BFS oo Baaqday, iyo Mursal oo Kulan La Leh Guddigii La...

Kulankii BFS oo Baaqday, iyo Mursal oo Kulan La Leh Guddigii La kala Direy

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Waxaa maanta mar kale baaqday kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku yeelan lahaayeen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaaladda Muqdisho.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn baaqashadda Kulankii, hadana warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal uu kulamo la leeyahay Guddigii la kala diray ee Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ugu horeyn la wadaagaya go’aankiisa iyo mowqifkiisa ku aadanqaabkii loo kala diray.

Tan iyo markii Gudoomiye Mursal uu dib ugu soo laabtay Muqdisho waxa uu waday kulamo uu la qaadanayay Xildhibaanada iyo labadiisa Ku-xigeen kuwaasi oo ku aadan sidii loo xalin lahaa Khilaafka ka dhashay Kala daristii Guddigii Maaliyadda Baarlamaanka oo Xukuumadda iyo Gobolka Banaadir ku eedeeyay Musuq-maasuq.

Dhanka kale Xildhibaanoka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo tiro ahaan gaaraya 10-mudane ayaa dhawaan guddoonka u gudbiyay Mooshin ay ku dalbanayaan in dood laga yeesho heshiisyadii Madaxweyne Farmaajo uu galay, gaar ahaan heshiiska saddex geesoodka ee dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea.

Mudooyinkii dambe waxaa jirey khilaaf hareeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii Gudoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya C/wali Shiikh Muudey uu kala direy Guddigii Maaliyadda oo warbixin ka keenay lacago la Musuqmaasuqay.

Dhanka kale Gudoomiyaha Golaha shacabka oo la filiyay in go’aan ka gaaro arrimaha taagan ayaa wali wada kulamo, waxaa soo baxaya warar ku adan in Madaxda dalka uu ka diiday kala diristii Guddigii Maaliyadda ee muran ka dhaliyay.