Home Warar Kulankii Baarlamaanka oo Furmay& Fahad Yaasiin oo Kasoo Muuqday

Kulankii Baarlamaanka oo Furmay& Fahad Yaasiin oo Kasoo Muuqday

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Kulankii Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd furmay.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah su’aalo weydiinta wasiiradda Amniga, gaashaandhiga, taliyaasha Ciidamadda Malatariga, Booliska, Asluubta iyo Ku simaha Agaasimaha Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliya (NISA).

Kulanka ayaa ku furmay illaa 150 Xildhibaan oo ah kooramka inta soo xaadirtay,waxaana shir gudoominaya gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan.

Gudoomiyaha ayaa ku wargaliyay Xildhibaanadda in suaalahooda aysan ka badnaa hal daqiiqo, islamarkaana jawaabuhu yihiin 3 daqiiqo.

Dhanka kale Kusimaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo aan imaan kulankii buuqa ku dhamaaday ee 6-dii bishaan ayaa saaka si lama filaan ah loogu arkay xarunta Golaha Shacabka, waxaana uu ka soo jawaabay amarkii u yeerida Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Fahad Yaasiin agaasimihii hore ee Madaxtooyadda Soomaaliya ayaan looga baranin in uu kasoo muuqdo goobaha fagaaraha,wuxuuna dhowr jeer kahor yimid in saxaafadda uu hor yimaado.