Home Warar Koofi:-“Kenya Go’aanka Waa Ku Kaligood Wax Nala Soo Xiriiray Ma Jiro”,!

Koofi:-“Kenya Go’aanka Waa Ku Kaligood Wax Nala Soo Xiriiray Ma Jiro”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aanka Kenya ay qaadatay ee ah in ay diiday dal ku galka ama Visaha (On Arrival) ee Garoonka looga dhufanayay Baasaboorada ay qaataan xildhibaanada iyo Wasiirada dowladda federaalka.

Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya Maxamed Aadam Koofi oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in xafiiskooda aan lagu soo wargalinin isbadalka dhanka socdaalka Kenya sameysay.

“Go’aankan waa ku kaligood, wax nala soo xiriiray ma jirto”, ayuu yiri Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Maxamed aadan Koofi.

Magaalada Muqdisho waxaa saakay dib loogu soo celiyay 3-mas’uul oo ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo shalay lagu xayiray Garoonka Magaaladda Nairobi.

Wasiir ku-xigeenka biyaha Cusmaan Libaax iyo Senetarada kala ah Ilyaas Cali Hassan iyo Zamzam Cali ayaa loo diiday in ay galaan magaaladda Nairobi.

Dhanka kale Dowladda Kenya ayaa ka hadashay sababta seddexda mas’uul loogu diiday galidda Magaaladda Nairobi.

Madaxa Hay’ada socdaalka Kenya Gilbert Kibe oo la hadlay Wargayska Daily Nation, waxa uu ku micneeyay sababta loogu diiday dal-ku-galka wasiir iyo xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ay la xiriirto arrimo amni.

Saraakiisha Laanta Socdaalka ayaa u sheegay masuuliyiinta Soomaalida inay dib ugu laabtaan Muqdisho oo Visaha ka soo qaataan Safaarada Kenya ee Muqdisho, halkii markii hore fiisaha laga siin jiray Garoonka Jomo Kenyata.