Home Warar kolonyo Turki & Somali oo Qarax Lagula Eegtay Degmadda Afgooye+Sawirro

kolonyo Turki & Somali oo Qarax Lagula Eegtay Degmadda Afgooye+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ismiidaamin ahaa oo goordhaweyd ka dhacay halka loo yaqaan Bood boodka oo ku dhaw Koontaroolka Baar Ismaaciil ee Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa Ismiidaaminta, ayaa waxaa lala eegtay Kolonyo gaadiid oo ay saarnaayeen Injineero Turki ah iyo gaadiid Ciidan oo la socday.

Jugta qaraxa ayaa si weyn looga maqlay Degmadda Afgooye iyo xaafadaha ku dhow dhow.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay In gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu dhuftay mid kamid ah gaadiidkii ay la socdeen shaqaalaha turkey-ga,waxana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac.