Home Warar Kheyre:-“Waxaan Go’aansaday in aan Qeyb Ka Noqonin Khalkhal Amni”,!

Kheyre:-“Waxaan Go’aansaday in aan Qeyb Ka Noqonin Khalkhal Amni”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xasan Cali Kheyre Raisulwasaarihii hore ee Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay hoygiisa ayaa aqbalay kalsooni kala noqashadii baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha oo saqdii dhexe shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inuu aqbalaayo, tallaabadii ay kalsoonida ugala noqdeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in isagoo og in sifo aan sharci ahayn loo maray kalsooni kala noqoshadiisa uu hadana diyaar u yahay inuu u tanaasulo danta shacabka Soomaaliyeed.

“Aniga oo og in wixii Golaha Shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci darro, loona marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, in xitaa aanay ajandaha ku jirin, in aanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka, Haddane waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilka aan umadda Soomaaliyeed u hayay, aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. Si aan ugu turo shacabka Somaaliyeed, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed, mid dhaqaale, amni iyo bulsho.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.