Home Warar Kheyre oo Magacaabay Guddi Ka Shaqeeya Xuska Todobaadka Xoriyadda

Kheyre oo Magacaabay Guddi Ka Shaqeeya Xuska Todobaadka Xoriyadda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Raiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya qaban qaabada munaasabadda xuska todobaadka xoriyadda Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka Akhriso Magacyadda Xubnaha La Magacaabay

1: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiirka Warfaafinta Guddoomiye.

2: C/raxmaan ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xubin

3: Xasan Cali Maxamed,Wasiirka Gaashaandhigga xubin.

4: Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha Xubin.

5: Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xubin.

6: Deeqa Yaasiin Xaji Yuusuf wasiirka haweenka iyo xuquuqulinsaanka xubin.

7: Dadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo Shaqalaaha xubin.

Shaqada ay qabanayaan ayaa ah

1: in ay qaban-qaabiyaan xuska munaasabadda xoriyadda 26 June iyo 1 Luuliyo.

2: in ay si siman u xiriiriyaan hay”adaha qeybta ku leh qaban-qaabada maalmaha xorriyyadda.

3: in ay jaan-gooyaan kharashaadka ku baxaya xuska maalmaha xorriyadda.

4: in ay magacaabaan guddi hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xorriyadda.

5: in ay sugaan amniga goobaha kala duwan ee  lagu qabanayo munaasabadaha 26 June iyo 1-da Luulyo 2019.

6:in ay kormeeraan sida ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran.