Home Warar Kheyre oo Hakiyay Mashrucii Dhismaha ee Laga Tagay Hirshabelle iyo Galmudug

Kheyre oo Hakiyay Mashrucii Dhismaha ee Laga Tagay Hirshabelle iyo Galmudug

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa hakiyay Mashuuricii dhismaha Wadooyinka ee ay saakay kala saxiixdeen Wasiiradda maamul goboleedyadda ee dhanka Maaliyadda, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle.

Wasiirka Maaliyadda XFS, wasiirka howlaha guud  iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah u wada saxiixay heshiis ku kacaayo 112 Milyan oo lagu dhisidoono magaalooyinka dalka.

Heshiiska ay mausuliyiinta wada saxiixdeen ayaa magaalooyinka lagu dhisidoono waxa kamid ah Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe iyadoo qeybta magaalada Muqdisho uga soo aaday ay tahay ku dhawaad 28-Milyan.

Balse waxaa laga tagay magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Jowhar ee Maamuladda Galmudug iyo Hir-shabelle waxaana dood arintaas ka keenay dad fara badan oo baraha bulshadda si weyn kaga hadlay.

Xildhibaan Axmed macalin Fiqi oo Dowladda Mucaarad ku ah oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa sheegay in qorshaha arintaas aysan aqbali doonin,islamarkaana Xukuumadda kala xisaabtami doonaan.

“In Galmudug iyo Hirshabele ay ka maqnaadaan liiska magaalooyinka la dhisayo mas’uuliyadeeda waxaa iska leh madaxda kooxda Villa Somalia, taariikhudna kama cafinayso,annagu haddii aan nahay xildhibaannada Galmudug, waxaan arrinkaan sida uu u dhacay wax ka weydiin doonaa labada wasiir ee heshiiskaan saxiixaysa!?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo qoraal soo saaray ayaa hakiyay Mashuuricii dhismaha Wadooyinka ee ay saakay kala saxiixdeen Wasiiradda maamul goboleedyadda ee dhanka Maaliyadda, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle.

“Iyada oo la tixraacayo amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaa la hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay saaka kala saxiixdeen wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka iyo qaar kamid ah wasiirrada maaliyadda Dowlad Goboleedyada. Dib u eegis ayaa lagu sameyn doonaa mashruuca, waxaana laga qeyb geli doonaa dhammaan dowlad goboleedyada.