Home Warar Kenya oo Shan Qodob oo Kenya u Diidaneyd in Kiiska Badda La...

Kenya oo Shan Qodob oo Kenya u Diidaneyd in Kiiska Badda La Geeyo ICJ

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Kenya ayaa haatan u muuqata mid doonaysa in ay ka baaqato Dhageysiga Kiiska Dacwadda Bdada Kenya iyo Soomaaliya oo maalinta bari ah ka bilaabanaya Magaaladda Hugue ee dalka Holland.

Halkaan Hoose ka Akhriso 5 qodob aysan Kenya u ogoleyn in dacwda lagu dhammeeyo maxkamadda horteeda

Kenya waligeedba ma ogoleyn in dacwda lagu dhammeeyo maxkamadda horteeda.

  1. Billowgii waxa ay ku doodday in maxkamadda ICJ ayaan awood sharciyadeed u lahayd kiiska.

-ICJ ayaa xukmisay in ay awood u leedahay kiiska, ayna qaadayso

  1. Waxa ay ku doodday in dacwada lagu xalliyo hab diblomaasiyadeed

-Soomaaliya ayaa ka diidday oo sheegtay in isku daygii diblomaasiyaddu uu fashilmay.

  1. Dhowr jeer ayay codsatay in dib loo dhigo dhagaysiga dacwada iyo ballamo kale oo muddaysnaa

– Waa laga yeelay marka laga reebo codsigeedii ugu dambeeyay oo ay maxkamaddu diidday.

  1. Waxa ay isku dayday in dacwada ay galaan Midowga Afrika ayadoo ajandaha gaysay golaha ammaanka ee Midowga Afrika, Soomaaliya ayaa diidday, goluhuna waa uu joojiyay arrintaas.
  2. Hadda waxaa la soo sheegayaa in ay ka baaqanayso dhagaysiga kama dambaysta ah ee berri ka dhacaya The Hague.

-Ma filayo in loo joojin doono, mana ahan markii ugu horreysay ee dhinac ka mid ah dowlado ay dacwo ka dhaxaysay ay ka baaqdaan dhagaysi ama

Xataa xukunka maxkamadda.

Kenya waxa uu hadafkeedu ahaa in ay waqti badan socoto maxkamaddu -taas oo soo jiitantay 7 sano- ayada oo doorbidaysay in dacwada lagu xalliyo hab diblomaasiyadeed. Sidaas darteed wax lala yaabo ma ahan in ay marmarsiyo cusub la timaado.

Baddaas Waxaa iska leh Soomaaliya. Waxaana rajaynayaa in ay maxkamaddu caddayso dhawaan.

Waxaa Qorey:-Yusuf Ow Mohamud