Home Warar Kenya oo Sabab u Yeeshay Hakinta Duulimaadyadii Muqdisho iyo Nairobi!

Kenya oo Sabab u Yeeshay Hakinta Duulimaadyadii Muqdisho iyo Nairobi!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Kenya ayaa ka hadashay sababtii ka dambeysay in la hakiyo duulimaadyadii Tooska ahaa ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Agaasimaha waaxda badbaadada duulimaadka Kenya ayaa sheegay in arrimo amni darteed ay u joojiyeen duulimaadyadii tooska ahaa.

Waxa uu sheegay in ay Kenya walaac ka qabto amniga garoonka Magaaladda Muqdisho ee aadan cadde oo xiligaan ay ilaaliyaan Ciidamo  Booliska Dowladda Federaalka Soomaali iyo kuwa AMISOM.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya oo si kulul ugu hadashay go’aanka Kenya ayaa sheegtay in amniga garoonka Muqdisho uu yahay mid wanaagsan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar  oo qoraal xafiiskiisa kasoo saaray ayaa sheegay in go’aanka Kenya uu yahay mid la siyaasadeeyay.

“Dowladda Soomaaliya waxay u aragtaa arrintani mid siyaasadeysan oo aan u wanaagsanayn xiriirka derisnimo, is-afgaradyadii hore ee labada dowladood ka dhaxeeyay, ganacsiga iyo isu socodka labada shacab,,DFS waxay u taagan tahay dhawrista sharafta iyo karaamada ummadeeda iyo qaranannimadeeda, waxayna ugu baaqaysaa dowladda Kenya in ay dib u fiiriso tallaabadan culeyska ku ah ganacsiga iyo isu socodka labada shacab ee walaalaha ah. DFS waxay xiriir la sameyn doontaa hay’adaha ay khuseyso arrintan, iyadoo qiimeyneysa tallaabada ku haboon ee ay qaadeyso.”ayaa lagu yiri qoraalka.