Home Warar Kenya oo Qarka u Saaran Inay Ka Baxdo Dacwadda Badda!

Kenya oo Qarka u Saaran Inay Ka Baxdo Dacwadda Badda!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Dahir ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay qarka u saaran tahay inay ka baxdo dacwadda ay ku sheeganeyso badda Soomaaliya.

Isagoo la hadlayay warbaahinta Dowladda Ayuu sheegay Axmed Cali Daahir in Kenya ay qarka u saaran tahay in ay isaga baxdo dacwadda ay ku sheeganeyso badda Soomaaliya.

Kenya ayaa dalbatay dhawaan in dib loo dhigo dacwadda ay ku sheeganeyso badda Soomaaliya ee ka furan ICJ,si ay u qorato qareenno cusub oo difaaca.

Kulan Guddiga Amniga iyo Nabadda Afrika ku yeeshay Addis Ababa,ayay Kenya ka sheegtay inay dooneyso in dacwadda Badda Soomaaliya ee ay Kenya sheeganeyso lagu xalliyo wadahadal, dibna loo dhigo si ay u qorato qareenno iyo xooggan oo difaacda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay in dacwaddan loo daayo maxkamadda Caddaaladda Adduunka oo dhageysigeeda u muddeysay 9-ka bishan.