Home Warar Kenya oo La Wareegtay Amaanka Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Kenya oo La Wareegtay Amaanka Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay In Ciidamadeeda ay la wareegeen amaanka Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka jubbaland Mudane Maxamuud Sayid aadan.

Sida uu qoray wargeyska Dailynation, Ciidamadda kenya ayaa la wareegay amniga Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland, waxaana la dajiyay hoteel ku yaala Magaaladda Mandheera ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

Sarkaal ka tirsan Ciidamadda kenya ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ay Maxamuud Sayid Aadan u diideen in uu galo degmooyinka ay Beled Xaawo ka mid tahay, isla-markaana uu ku khasbanaaday in uu taggo Degmada Mandheera.

Dowladda Federaalka Somaliya oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Maamulka Jubbaland ayaa waxay Maamulada Degmooyinka Gobolka Gedo ku amartay inaanay la shaqayn Jubbaland, iyadoo qaar ka mid ahna ayba u hoggaansamayn.