Home Warar Kenya oo Ka Hadashay Sababta ay U diiday Dal Ku Galka!!

Kenya oo Ka Hadashay Sababta ay U diiday Dal Ku Galka!!

SHARE

Muqdsiho(Gundhig)-Dowladda Kenya ayaa ka hadashay Sababta ay fiisaha dalkeeda ugu diiday 3-mas’uul oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka biyaha Cusmaan Libaax iyo Senetarada kala ah Ilyaas Cali iyo Zamzam Cali ayaa loo diiday in ay galaan magaaladda Nairobi.

Madaxa Hay’ada socdaalka Kenya Gilbert Kibe oo la hadlay Wargayska Daily Nation, waxa uu ku micneeyay sababta loogu diiday dal-ku-galka wasiir iyo xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ay la xiriirto arrimo amni.

Saraakiisha Laanta Socdaalka ayaa u sheegay masuuliyiinta Soomaalida inay dib ugu laabtaan Muqdisho oo Visaha ka soo qaataan Safaarada Kenya ee Muqdisho, halkii markii hore fiisaha laga siin jiray Garoonka Jomo Kenyata.

Inkastoo 3-mas’uul oo ka tirsan Dowladda loo diiday Magaaladda Nairobi,islamarkaana lagu soo celiyay maanta muqdisho,hadana waxaa Nairobi loo ogolaaday 3-mas’uul kale.

Wasiirka qorshaynta dowladda federaalka Jamaal Xasan, Wasiirka Caafimaadka Fowsiyo Abikar iyo La taliyaha qaranka madaxweyne Farmaajo oo ka mid ah waftiga Soomaalida ayaa loo ogolaaday inay galaan Nairobi, kadib markii ay la soo baxeen Baasaboorada Yurub iyo Canada.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay haatan dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo loogu hadlaayo go’aanka Dowladda Kenya ay qaadatay.