Home Warar Kenya oo Jawaab Leh oo Ku Aadan Arinta Janan Siisay DFS

Kenya oo Jawaab Leh oo Ku Aadan Arinta Janan Siisay DFS

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Kenya ayaa ka hadasha hadalkii dhawaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee ku aadanaa Arinta Wasiir C/rashiid C/nuur Janan oo Dowladda ka baxsaday.

Qoraal kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya looga codsaday soo qabashadda Wasiirkii Amniga Jubbbaland oo baxsad ah,kaasi oo gaaray Magaaladda Mandheera.

Xoghayaha Wasaarada Arimaha Dibada Kenya Macharia Kamau Ayaa wargeyska Nation u sheegay in Ciidamada Kenya oo Kaliya hada ay arintani ka falcelin karaan balse Meesha waxaa uu ka saaray in Xukuumadda Ay awoodo Go’aaminta Xaaladda Janan.

“Arrintani gacanteenna kuma jirto, Waxaan kugula talinayaa inaad la xiriirto kuwa laga yaabo inay wax ka og Yihiin ,Waana ciidamada amniga”.sidaas ayuu sheegay Kamau.

Hadalkaan ayaa u muuqda mid Kenya ku bahdilayso Dowladda Soomaaliya, oo xiriir wanaagsan aan kala dhexeynin Maamulka Jubbaland.

Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur Janan ayaa hada ku sugan qaybo kamid ah Gobolka Gedo Tan iyo maalinkii uu baxsaday 28 January ee sanadan, Kaliya labo mar ayuu soo muuqday,warbaahinta.