Home Warar Kenya oo Ciidamo Soo Dhoobtay Xuduuda Ceelwaaq ee Gobolka Gedo

Kenya oo Ciidamo Soo Dhoobtay Xuduuda Ceelwaaq ee Gobolka Gedo

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wararka ka imaanaya Gobolka gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa ku waramaya in Ciidamo ka tirsan kuwa kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay soo buux dhaafiyeen xuduuda degmada ceelwaaq la wadaago dalka kenya.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deeganaka ciidamadda Dowladda Kenya ayaa wata Gaadiidka dagaalka Noocyadiisa kala duwan.

Inkastoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa In ciidamadaan halkaas soo buux dhaafiyaan,hadana wararka ayaa sheegaya in ay doonayaa  in ay taageerayan Madaxweyne Kuxigeenka 1aad Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo loo diiday in uu gudaha u galay Degmooyinka Gobolka Gedo qaarkood.

Madaxweyne Ku-xigeenka oo booqasho ku joogga Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ayaa wuxuu Dowladda Somaliya ku eedeysay in Gobolka Gedo ka saareyso Maamulka Jubbaland.