Home Warar Kenya oo Ceyrisay Lix Qareen oo Ku Matalayay Dacwada Kiiska Badda

Kenya oo Ceyrisay Lix Qareen oo Ku Matalayay Dacwada Kiiska Badda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Kenya ayaa ceyrisay lix qareen oo caalami ah oo kamid ahaa qareenadii ku matalayay kiiska dacwada badda.

Qareennada ay Kenya iska ceyrisay ayaa waxaa ay kala yihiin Payam Akhavan oo u dhashay Mareykanka,   Vaughan Lowe oo u dhashay UK,  Alan Boyle oo u dhashay UK,  Mathias Forteau oo u dhashay France, Mr Karim Khan UKand iyo  Amy Sanders oo u dhashay UK.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee Kenya Kihara Kariuki, ayaa isku raacay in la ceyriyo qaar kamid ah qareenadii kiiska dacwada ku matalayay kadib markii ay ogaatay Kenya in aysan difaaci karin.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Kenya Kihara Kariuki Qoraal uu u diray maxkamadda ICJ ayuu kaga dalbaday in la hakiyo dacwadda Muranka Badda, si Kenya u hesho qareeno u dooda.