Home Warar Jubbaland oo Si Kulul Ugu Hadashay Warka Kasoo Baxay Dowladda

Jubbaland oo Si Kulul Ugu Hadashay Warka Kasoo Baxay Dowladda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maamul Goboleedka Jubbaland, ayaa jawaab ka bixiyay warqadda kasoo baxday wasaaradda Arrimaha Gudaha ee lagu sheegay in doorasho mar kale lagu qaban doono Magaaladda kismaayo.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh ayaa sheegay qoraalka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Dowladda Federalka Somaliya inuusan khuseyn Maamulka Jubbaland.

Wuxuu sheegay Jubbaland inay ka dhacdo doorasho Madaxweyne, islamarkaana ay dhiman tahay oo kaliya maalmaha soo socda in la qabto caleemo saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Maamulkaasi.

“Waxaan u aragnaa inay tahay mid sharciga iyo dastuurka dalka u yaala hareer marsan warqadan ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee federaalka”, ayuu yiri Wasiir Cabdi Xussen.