Home Warar Jubbaland oo ka Hadashay Ciidamo La Sheegay in ay U Goysteen Dowladda

Jubbaland oo ka Hadashay Ciidamo La Sheegay in ay U Goysteen Dowladda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaqa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kawado Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Degmooyinka Gobolka Gedo ay joogaan hal ciidan,kuwaasi oo diyaar u ah dagaalka Al-shabaab.

“Horta Beled Xaawo, Luuq iyo Doolow waxaa joogga hal ciidan, oo ah Ciidanka Soomaaliyeed, oo ammaanka ilaaliyo, oo waajibaadkiisu uu yahay la dagaalanka Al Shabaab. Waxaa jira ciidan dhallinyaro ah oo ka tirsanaa Ciidankii Beled Xaawo oo aaday Magaalada Luuq, iyaguna waxay u taggeen ciidankoodii kale oo joogga Luuq, wax dhib ah oo ka taagana ma jiro, mar walbana way dhacdaa in ciidan meel lagu ogaa ay si amar la’aan ah ama sabab la xiriirta khilaaf dhex mara iyaga iyo madaxdooda uga taggaan xarumahoodii” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo la hadlay BBC.

Dhanka kale Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay wararka ku aadan in Gudoomiyayaashii Degmooyinka Gobolka Gedo ee Jubbaland ay isku dhiibeen Dowladda Ethopia.

“Xuduuddaas dheer ammaankeeda waxaan iska kaashanaa deegaanada dariska nala ah, Kenya ha ahaato ama Itoobiya. Saraakiisha amniga iyo maamuladaba waxaa ka dhaxeeya kulamo bishiiba mar la isugu taggo oo lagu qiimeeyo arrimaha ammaanka.”