Home Warar Jubbaland oo Ceelamarka Madoobe Ku Casuuntay Kenya, Ethopia iyo Somaliland

Jubbaland oo Ceelamarka Madoobe Ku Casuuntay Kenya, Ethopia iyo Somaliland

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in caleema-saarka Madaxweyne Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe), lagu casuumay waddamada deriska ah sida Ethopia,kenya, Jubuuti iyo Maamulka Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in xafladda Caleema-saarka Axmed Madoobe, lagu casuumay madax kala duwan,ayna rajeynayaan in ay kasoo qeyb galaan xafladda.

Sidoo kale Waxa uu sheegay wasiirka in Maamulka Somaliland ay casuumaad u direen islamarkaana ka filayaan in dad uga qeybgala ay soo diri doonaan.

Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Maamulka jubbaland oo dhawaan dhacaysa ayaa ah mida ugu hadal heynta badan maalmahaan.

Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhamaan diyaaradaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee ka imaanaya Kenya ku amartay in ay soo maraan Magaaladda Muqdisho ka hor inta aysan u gudbin Magaalada Kismaayo.