Home Warar Jubbaland:-“Farmaajo Inta uu Gedo Haysto Doorasho Maqabanayno”!

Jubbaland:-“Farmaajo Inta uu Gedo Haysto Doorasho Maqabanayno”!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maamulka Jubbaland ayaa sharuudo ku xirey in uu qabto dooraashadda Xildhibaanadda Golaha Shacabka iyo Xildhibaanadda aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed,  ayaa sheegay in ilaa inta Dowladda Federaalka Soomaaliya xoog ku haysata Gobolka Gedo,in aysan Jubbaland doorasho qaban doonin.

“Xaq waxaan u leenahay oo September 17 lagu gooyay in aan annagu mas’uul ka nahay doorashada qeybta ka dhaceysa Jubaland. Madaxweynaheennu mas’uul kama noqon karo meel uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qabsaday, oo xitaa intaan u tanaasulnay aan dhahnay Gedo inteeda kale dib u heshiisiinta dambe ha gasho ee Garbahaareey aan guddoomiyihii iyo 100 wiil oo boolis ah keenno, oo uu diiday, oo ay dheheen ka tanaasula, oo uu subixii dambena soo duulay, markaasaad leedihiin dalka yaan caqabad la gelinin,” ayuu yidhi Wasiirka warfaafinta Jubaland, oo u hadlayay si caro leh.

“Annagu waxaan taagan nahay… haddaan idiin sheegayaa, Gedo oo Complete ah (dhameystiran) oo aan lasoo celinin, wax doorasho ah oo ay jubaland galeyso ma jirto. Haddaan idiin sheegayaa, waa go’aanka aan leenahay, 60 maalmood gudahood haddii aan lagaga qaadin ciidamada oo aanan maamulka Juabaland gacantooda lagu soo celinin wax doorasho ah oo aan galeyno ma jirto.”