Home Warar Jubba-land oo Soo Iibsatay Diyaarad u Gaar ah!

Jubba-land oo Soo Iibsatay Diyaarad u Gaar ah!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in uu soo iibsaday diyaar isaga u gaar ah,islamarkaana maanta ay soo raaceen Madaxweynayaashii Hore ee Galmudug,koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Diyaaradaan ayaa ka timid Magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo wafuuda kusoo dhaweeyay kismaayo ayaa sheegay in Jubbaland ay yeelatay diyaar gaar ah.

“Ku soo dhawaada magaalada Kismaayo waxaan ku faraxsanahay inaad nasiib u yeelateen inaad soo raacdaan diyaaradii ugu horeysey ee ay Jubbaland leedahay ummadda Soomaaliyeedna sharaf ayay u tahay, Madaxweyne Farmaajo waxaa ka rajeynayaa inay mudan tahay inuu noogu soo hambalyeeyo diyaaraddan ay leedahay Jubbaland”ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Arintaan ayaa imaanaysa xili Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xayiraad saartay Duulimaayadii magaaladda Kismaayo,inkastoo todobaad ka hor ay sheegtay in Shacabka loo fasaxay Duulimaadyadda.